Daawo Sawirro: Wasiiro katirsan Puntland oo lagu soo dhaweeyay Gobalka Heylan

Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlada Puntland Maxamed c/raxmaan Dhabancad iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Dhahar ee Gobolka Haylan.

Ujeedka socdaalka waftiga uu hogaaminayo Wasirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowlada Puntland ayaa salka ku haya u kuur galida xalada noolasha ka jirta deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Haylan.

Wasiir ka ayaa salaan sharaf ka qaatay qaarka mid ah ciidamada daraawiisha iyo police ee Gobolka hayland, intaas kadib Wasiirka iyo Weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday xarumaha Dowlada ee Gobolka, sida saldhiga Qaybta ee Degmada Dhahar, xarunta Gobalka iyo isbitaalka Degmada dhahar.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgarad ka Gobolka, Isagoona xilka u kala wareejiyey Gudoomiyaha gobolka ee dhawaan lasoo magacabay iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Haylan,

Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland iyo Agaaismaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, federalka iyo dimuqradiyeynta Dowladda Puntland.