Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Muqdisho iyo qaar kamid guddoomiyaasha Degmooyinka oo dhintay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa ka dhacay Hoolka Shirar xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, waxaana xilligii qaraxu dhacayay ka socday shir looga hadlayay amniga, oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawac culus uu qaraxa kasoo gaaray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/rixmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, sidoo kalena dhaawac iyo dhimasho uu soo gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Asad iyo Gudoomiyaha degmada Waabari Mahad Cilmi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa, Iyadoona Isbitaalka Digfeer la geeyay dhaawacyada ugu badan ee dadka wax ku noqday qaraxa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir.

Illaa iyo hada waxaa adag in la helo warar sugan, iyadoo daqiiqadba daqiiqada ka dambeysay ay iska soo daba dhacayaan wararka, xaalkuna waxaa uu yahay mid cakiran.