Guddiga La talinta ee Madaxtooyada PL oo la magacaabay

Gudigan oo ah Dad lagu tuhmayo aqoon iyo waayo aragnimo durugsan,ayaa Madaxweyne Deni uxushay in ay unoqdaan lataliyayaal rasmi ah.

Nuuradiin Aadan Diiriye,ayaa Gudoomiye looga dhigay horintan lataliyayaasha ah.

Nuuradiin waxuu soo noqday musharax Madaxweyne Puntland,sidoo kale sanadihii udanbeeyay waxuu ka shaqaynay Xaafiiska siyaasada ee Qaramada midoobey.

Dadka la socda siyaasada Puntland way soo dhaweeyeen magacaabista Kooxdan,waxayna u arkaan in ay tahay nidaamka oo la xoojiyay ama Dowladnimada oo xaydaan fiican loo sameeyay.

Kooxdan loo xushay lataliyayaasha Madaxtooyada Puntland ah,waxaa dhibsan doona oo ay fooda isdari doonaan kooxda kale ee isku arkaysay in ay iyagu leeyihiin Madaxweynaha ee Aaran-jaan.

Madaxweyne Deni,ayaa umuuqda mid si tartartiib ah uga sii fogaanaya kooxda Maxamuud Shido ee maalgashatay.una sii siqiya nidaam Dowladeed oo dadka usiman.

Halkan ka akhriso magacyada lataliyayaasha