PUNTLAND: 21 sanno kaddib maxaa u qabsoomay, maxaase ka dhiman ? W/Q: Salim Said

Puntland maamul ahaan intii ay dhisnayd waxna waa u qabsoomeen , wax na waa lagu guul daraystay .

Xilligaan , waxaa fiican in xooga la saaro waxyaalaha aan qabsoomin ama la gaarin iyo sababihii keenay in aanay qabsoomin .

Dabcan wax yaalaha aanay Puntland ku guulaysan qaybtood waa arrimo awoodeeda ka wayan oo dawlad Soomaaliyeed oo taabo gal in la helo ku xiran, waxna waa wax ilduuf iyo maamul xumo loo qaban waayay.

Wixii aan awood loo hayn eed malaha , balse wixii la qaban karo oo aan la qaban ama khasaaray ayaa u baahan in la baajiyo inay dib u dhacdo , la islana qiro in uu ahaa fashil dhacay .

Puntland inkasta oo maamul muddo soo jiray tahay , laguna soo caana maalay , haddaan waxaa jira arrimo dhawra oo u baahan in la xoojiyo ama la horumariyo , waxaan ka xusi karaa arrimaha maamul ee u baahan in Puntland horumar ka samayso:

1- Xoojinta hay’adaha dawliga ah oo wali qaybo badan aanay gaarsiisnayn sidii la rabay , gaar ahaan hay’adaha garsoorka , amniga , maaliyadda iyo adeega , gaar ahaan tacliinta iyo caafimaadka .

2- Xoojinta is dul joogtaynta hay’adaha dawliga ah oo lagu xaqiijin karo in la helo nidaamka asxaabta badan oo shacabku si xor ah kusoo doorto hogaanka iyada oo laga bilaabayo dawladaha hoose oo salka laga dhisayo nidaamka , lana buuxinayo shuruudaha ka horeeya doorasho la qabto oo uu fure u yahay maamul wanaag ama talinta sharciga.

3- Khayraadka kooban sida shaqaalaysiinta iyo mashaariicda oo si caddaalad ah loo qaybsado , lagana hortago in qolo gaara , degaan ama koox ay sad bursato .

4- Maamulka oo lagu dhiso hab daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku dheehan oo hoos u dhiga musuqmaasuqa iyo xatooyada hantida qaran oo aan ahayn oo kaliya canshuurta ee ay ku jiraan mashaariicda caalamku siiyo Puntland .

5- Yarynta shaqa la’aanta oo fara ba’an ku haysa dhalinyarada , waana arrin haddaan wax laga qaban keeni karta khatar amni, dhaqaale , bulsho iyo siyaaadeed.