Video:-Ciidamada amaanka Puntland oo mukhaadaraad gacanta ku dhigay

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka karkaar iyo kan saldhiga Degmada Qardho ayaa maanta soo bandhigay noocyo kala duwan oo mukhaadaraad ah (Maan-dooriye), kuwaasi oo ay ku soo qabteen hawlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in mukhaadaraadkan ay ku soo qabteen dad si sharci-darro ah uga ganacsanayey gudaha Degmada Qardho, kadib hawlgallo ay ciidanka Amnigu ku qaadeen goobaha lagula dhuunto maan-dooriyaha ee ku yaalla Magaalada, waxaana ay tilmaameen in xabsiga loo dhaadhiciyay dadkii ka ganacsanayey mukhaaddaraadkaasi.

Sidoo kale, Saraakiisha Booliisku ayaa sheegay inay soo qa-qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo habeenkii dhibaato u geysta shacabka ku nool Qardho gaar ahaanna dhalinyarada ku hawllan dhaca Taleefoonnada, Iyagoona Balanqaaday inay sii wadi doonaan hawl gallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada magaalada Qardho iyo degmooyinka kale ee gobolka Karkaar,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka