VIDEO: Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiye Mursal oo kulan ku yeeshay Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.