VIDEO: Madaxweyne Deni “Dhismaha dekedda Boosaaso waxaa kahor yimid Caqabado”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay heshiiskii Shirkadda DP World iyo dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Deni oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay mid kamid ah Shacanbka Puntland oo xalay ka qeyb-galayay Madaxweynaha iyo Bulshada Rayidka ah, ayaa sheegay inay jireen caqabo ka hor yimid heshiiskii dhismaha iyo balaarin Dekedda Boosaaso, balse haatan ay xaliyeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhowaan uu Dubia kula kulmay Madaxda Shirkadda DP World, ayna isla gaareen in la dardar-geliyo heshiiska dhismaha Dekedda, ayna rajeynayaan in bilaha soo socda la dhiso qeyb kamid ah Dekedda.