VIDEO: C C Warsame “Al-Shabaab waxay ku milmeen Hay’adaha Amniga iyo Dakhliga DFS”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hey’addaha amniga dowladda, isagoo xusay in xilligan Shabaab ay sida ay rabaan Muqdisho ka sameeyaan, illaa heer ay Canshuur ka qaadaan Dekedda Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega.

Sidoo kale, CC Warsame ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in aanay la imaan siyaasad cad oo ay kula dagaalanto, taas bedelkeed ay xoojisay dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka, burburinta maamul goboleedyada iyo kala qeybinta Baarlamaanka.