VIDEO: Madaxweyne Deni oo ka hadlay Hormarinta dhaqaalaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka Qorsheynta 4-aad ee Hormarinta Dowladda Puntland, kaas oo ay lagu gorfeynayo arrimo badan.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasaaradaha Dowladda.

Madaxweynaha Deni oo khudbad ka jeediyay shirkan ayaa sheegay in uu muhiim u yahay Hormarinta Puntland, Isagoona baaq u diray Hay’adaha iyo Bulshada Puntland.