VIDEO: Puntland oo hakisay gaadiidka dhex socda Boosaaso

Taliyaha Ciidamada Booliska Qeybta Gobolka Bari Ganshaale Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan ammaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayna Ciidanku wadaan howlgallo lagu adkeynayo ammaanka Magaalada.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa tilmaamay inay hakiyeen maalinimada berrito ah gaadiidka dhex soconaya Magaalada inta la tukanayo Salaada Ciida,

“Amniga waa fican yahay balse inta beri la tukanaayo salaada Ciida wax gaari ah Magaalada ma dhex-socon karaan, adiga nabad ah gurigaaga kasoo bax kuna noqo” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka Bari G/SARE Xuseen Cali Maxamuud.