Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo lagu dhawaaqayo

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Xududuudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqaan Xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka Jubbaland.

Guddiga ayaa la filayay inay maanta ku dhawaaqaan Xildhibaanada, balse waxaa dib loogu dhigay khilaaf soo dhex-galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland.

Khilaafka xubnaha guddiga ayaa salka ku haya waraaq jawaab ah oo uu Guddoomiyaha Guddigu u diray Beesha Caalamka, taas oo uu sheegay guddoomiye ku-xigeenku inaan laga tala-galin.

Wararka ayaa sheegaya in haatan a socdaan dadaalo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada, Iyadoona la filayo in intaas kaddib ay guddigu ku dhawaaqaan Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo, iyadoona haatan uu socdo olale balaaran oo ay wadaan Musharixiinta is-diiwaan-galisay.