Ciidanka DANAB oo howl-gallo ka wada Aw-dheegle

Ciidamada Xoogga dalka ee Kumaandooska ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka wada tuulooyin dhowr ah, si ay u xaqiijiyaan amniga degmada Awdheegle oo maalmo ka hor la wareegeen Ciidamada.

Sida wararku sheegayaan howlgaladan ayaa ka dhacay Tuulooyin ay ka mid yihiin Shaam iyo kuwa kale, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Taliyaha Ciidamada dhulka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii ka dhacay Tuulada Shaam, waxaana uu xusay inay sii socon doonaan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo Ciidamada qorsheynayaan inay duulaan ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab maamulaan ee ka tirsan Gobolkaas.