Kenya iyo Jabuuti oo ku loolamaya Kursi kamid ah Golaha ammaanka QM

Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa loolan  adag ugu jira helida kursi ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo dhexyaalla Wadamada africa.

Dowladaha Afrika oo uu horyaallo kursigaan ayaa waxaa loolan ugu jira labadaasi dowladood e Kenya iyo Jabuuti,waxaana Kenya iyo Jabuuti midba midka kale uu ka dalbaday in uu u tanaasule, hayeeshee aysan weli suurta-gelin.

Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aadan helista kursiga waxaa ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey Ururka Midowga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in Bishan ay go’aamiyaan Midowga Afrika.

Uhuru Kenyatta ayaa bishii la soo dhaafay qaabilay 18 Hoggaamiye oo caalami ah, waxaana uu doonayaa in Kenya lagu gacansiiyo kursiga Golaha amaanka iyo sidoo kale doodda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sababaha ku kalifay loolanka adag ay u galeyso kursi ka mid ah QM ayaa la sheegay inay tahay mid ay ku dooneyso inay ku hesho dano siyaasadeed ay leedahay iyo inay ku xalaaleysato Biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale Kenya ayaa qabta hadii ay Kursigaas hesho in wax badan ay iska beddelayaan Dacwadda muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya taas oo haatan hortaalla Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.