Kuuriyada Koonfureed oo ciidan cusub u soo direysa Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap.

Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha Ciidamada badda Kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019.

Guutada 30-aad ayey u qorsheesay inay ka tagto magaalada dekedaha Koonfureed ee Busan dhaca goor dambe oo maalinta ah si ay qeyb kaga noqdaan hawllo lagula dagaalamayo burcad badeedka, sida ay sheegeen ciidamada badda.

Ciidamo khaas ah, Marines iyo Duuliyeyaasha Ciidamada Badda, ayaa qeyb ka ah kuwa lagu in ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan maraakiibta Kuuriyada Koonfureed ee xeebaha Soomaaliya sidoo kalana ay taageero u siiyaan maraakiibta kale ee ku sugan biyaha dhow.

Gacanka Xurmuz ayey sidoo kale ka howlgali doonaan halkaas oo Mareykanku ugu yeerayo xulafadiisa inay abuuraan isbahaysi ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada militari ee Iran iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Washington iyo Teheran.

In kasta Seoul ay sheegtay inaysan helin wax codsi rasmi ah oo Mareykanka kaga yimid oo ku saabsan arrintan, haddana Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xorriyadda marinka ee gobolka wuxuuna ku baaqay taageero caalami ah.