Ra’iisulwasaare Kheyre oo booqday Ciidankii kusoo dhaawacmay dagaalkii Aw-dheegle (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii argagaxisadu ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan.

Mr. Khayre ayaa ciidanka dhaawcyada qaba u rajeeyay in ay si dhaqsa ah u boqsoodaan, isagoona sidoo kale eebe ugu baryay inuu ka aqbalo Ciidankii u shahiidday difaacidda qaranimadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan soo afjaridda kooxda Al-Shabaab.