Xogtii ugu danbaysay Ee kulankii Axmed Madoobe iyo beesha caalamka

Waftigii beesha caalamka waxay soo gudbisteen dhawr codsi oo kala ah..

1.In dib loo furo isdiiwaangalinta musharaxiinta maalmana lagu daro.

2.In la laalo qodobka dastuuriga ah ee dhigaya shaqsi xaaskiisu ama saygeedu ajaanib yahay in uusan musharax ka noqon karin Jubaland.

3.In Masuuliyiinta Dowlada Dhexe loo ogolaado imaanshaha Kismaayo.

4.Amaan balaaran oo ay usoo jeediyeen gudiga doorashada.

Waftiga beesha caalamka ee uu hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud waxay sii raacsadeen hadalkooda in loo tixgaliyo codsigooda madaama hadhow iyagana aqoonsi laga rabo.

Jawaabtii Dowlada Jubaland”

1.In dib loo furo isdiiwaangalinta waxay utaal oo shaqadooda ay tahay gudiga doorashada,waana ugudbinaynaa oo jawaab baad naga helaysaan.

2.Qodobka dastuuriga ah waa Axdi qaran oo cid badali kartaa aysan jirin in aad naguvtiraahdaan badalana laydinkamaba filayn oo shuruucdiina sidaad u ilaalsataan baan kaayagana u ilaalsanaa.

3.Go”aankaas waxaa qaatay golihii Wasiirada Jubaland ee xilkoodii dhamaaday in dib u eegis lagu sameeyana waxay ubaahan tahay gole kale oo sharciyad haysta in la helo.

4.Gudiga doorashada ee aad umaanteen Raga hanaankii ay dajiyeen baal maray in aad wax uraadisaan saw ceeb idin kuma ahan.

Mida ah in hadhow marti looga noqon doono aqoonsi ay helaan masuuliyiinta la dooran doono,waxaa loogu jawaabay…

“Anagu beel caalam si gaar ah aqoonsi uguma rabno ee sharciyadayada,ayaan ku kalsoonahay”.

Isku soo wada duuboo sidaas,ayaa loo wada hadlay layskuna macsalaameeyay.