Karaash oo shir guddoomiyey Shirka Maamul Daadejinta iyo Dowladdaha Hoose JPLG (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir Guddoomiyey shirka Maamul Daadajinta Dowladdaha Hoose ee JPLG.

Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Madaxwayne Ku-xigeenka, isla markaana sadexdii biloodba mar la qabto waxaa ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha fuliya mashruuca maamul daadejinta iyo dawladaha hoose JPLG iyo Xafiiska hormuudka arrimaha maamul daadejinta ee Madaxweyne Ku-xigeenka.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo la xiriira mashruucan muhiim ka ah iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, waxaana sidoo kale lagu ansixiyey qodobo kasoo baxay shirkii guddiga farsamada Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha fuliya mashruucan, kaas oo August, 10, 2019 ka dhacay magaalada Garoowe.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Wasiirada Wasaaradaha ee shirka ka qayb galay kula dar-daarmay inay si midaysan mashruucaan ugu howl-galaan, isla markaana ay dar-dargeliyaan sidii sanadkiiba ugu yaraan laba degmo loogu dari lahaa oo ka faa’iidaysta barnaamijkan muhiimka ah.