Qabanqaabada shirka maalgashiga Puntland oo la dhaliilay

Shirka maalgashiga Puntland ee la qorshaynayo in uu qabsoomo 15-17 bisha danbe ee Sep qabanqaabadiisu way hoosaysaa.

Sida ugu dhakhsiyaha badan waxaa loo baahan yahay in wax laga badalo gudiga qabanqaabada.

Waa in la badiyaa dadka ka hadli doona laguna daraa dad saamayn leh halka hada ay ku qoran yihiin Boga maalgashiga Puntland sadex masuul oo kala ah..

1.Madaxweyne Deni.

2.Wasiirka ganacsiga.

3.Cilmi baare Guuleed Saalax.

Shirkadaha kasoo qaybgalaya,ayaa iyaguna ay tahay in la badiyo laguna casuuumaa kuwo heer caalami ah.

Sidoo kale hanaanka qabanqaabada shirka waa in loo muujiyaa mid heer caalami ah si uu usoo jiito maalgashadayaasha aduunka oo idil..

Isku soo wada duuboo shirkaas muhiimka ah si uusan u macno beelin waa in deg-deg wax looga qabtaa arimahaas muhiimka ah.

https://puntlandinvestment.com/about