James Swan oo raalli-gelin ka bixiyay Qoraal uu u diray Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa raalli-gelin ka bixiyay War Qoraal ah oo Labo maalin kahor kasoo baxay Xafiiskiisa, kaas oo lagu sheegay in Beesha Caalamku aysan aqoonsan doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda Doorashada Jubbaland hadaan la fulin Qodobadii ay horey u soo jeediyeen.

Danjire James Swan ayaa la sheegay inuu khadka Taleefoonka kula xiriiray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona sheegay in Beesha Caalamku ay garowsan tahay Shaqada adag ee Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ay hayaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku bogaadiyay Doorashadii Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, waxaana uu xusay in Tanaasulka iyo Talaabooyinka Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ay muujinayso sida Jubbaland ugu bishishahay Hanaanka Doorasho iyo Isbedelada Siyaasadeed ee Dalka.

Ugu dambeyntii, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay Beesha Caalamku Goobjoog ka noqon doonto Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo inay qabsoonto 22-ka Bishan August oo ku beegan maalinimada Khimiista ah ee soo socota.

Raalli-gelinta Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa kasoo aaday Saacado uun kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ay Wakiilka ka dalbadeen inuu raalli-gelin ka bixiyo Qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa