Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo digniin kasoo saaray Kismaayo (Akhriso)

Xildhibaanno ka kooban Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya kuwaas oo howlo xaqiiqa raadin ah u jooga magaalada Kismaayo ayaa war Saxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Doorashoonyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Labada aqal ee Federaalka Soomaliya ayaa walaac Ka Muujiyay Faragalinta qaawan ee lagu hayo dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalata inay dhabarka saaran doonto Xukuumadda Villa Soomaaliya.