Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ku yaalla Duleedka Jowhar

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda ayaa saaka ka dhacay duleedka dhanka Galbeed ee Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada.

Degaanka la weeraray ayaa qiyaastii 7-KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar, waxaana fariisin ku lahaa maleeshiyooyinka la magac baxay Macawiisley, kuwaasoo ah koox is abaabushay oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay la wareegeen fariisinka ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, ayna la wareegeen saanad milateri, kuna dileen lix askari sida ay sheegteen.

Dhanka kale, Masuuliyiinka katirsan Maamulka Hirshabelle ayaa beeniyay Warka Al-Shabaab, iyagoona tilmaamay in weerarkaas la fashiliyay