Mukhtaar Roobow oo la dejiyay Guri ku yaalla Villa Somalia

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo muddo sagaal bilood ku xirnaa xabsi ay leedahay Hey’adda Nabadsugida, ayaa loo wareejiyay Xabsi Guri, kaasoo si gaar ah amnigiisa loo ilaalin doono, sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow la dejiyay guri ku yaala Madaxtooyada, halkaasoo habeenkii xalay ahaa uu ku hoyday, sagaal bilood kaddib oo uu ku xirnaa Xabsiga ay maamusho Hey’adda Nabadsugida.

Sidoo kale, Eheladiisa iyo siyaasiyiinta ayaa loo fasaxay inay la kulmaan oo ay booqdaan Mr. Roobow, waxaana uu heli doonaa xoriyad u sahli doonta dhaq dhaqaaqiisa gaarka ah iyo adeegyada uu u baahan yahay.

Tallaabadan xabsiga looga soo daayay Mukhtaar Roobow ayaa timid kaddib, dadaalo iyo wada hadalo muddo socday oo la xiriira sidii loo sii deyn lahaa, balse markii dambe dowladdu ogolaatay in laga saaro xabsiga Hey’adda Nabadsugida, loona wareejiyo Xabsi guri.

Mukhtaar Roobow ayaa horay u soo noqday Hoggaamiye kuxigeenka iyo Afhayeen Ururka Al-Shabaab, iyadoo sanadkii 2017 uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka, Dowladda Federaalka ayaana bishii december ee sanadkii hore kasoo qabatay Baydhabo, xilligaas oo uu ahaa Musharax u tartamayay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.