VIDEO: Puntland oo ku dhawaaqday in AYAX ku degay Buuraleyda Calka

Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Dr. Ismaaciil Diiriye Gamacdiid, ayaa ku dhawaaqay in qeybo kamid ah Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag uu fariistay Ayax Geedi ah.

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in Ayax uu si gaar ah ugu degay Buuraleyda Calka, uuna waxyeelo u geysanayo Degaanka.

Wasiir Gamacdiid ayaa sheegay in Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ay diyaarisay Kooxo ka howlgalada Dhulkaas, si looga hor-taggo in waxyeelo ba,an oo Degaanka uu u geysto Ayaxa ku degay, ayna saacadaha soo socda gaari doonaan.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Dr. Ismaaciil Diiriye Gamacdiid ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay garab istaagaan Dowladda Puntland si loogu guuleysto in Ayaxa Fariistay Dhulka Buuraleyda Calka laga kiciyo.