VIDEO: Xiisad caawa ka taagan Dhuusamareeb & kulamo socda

Xaalad kacsanaan ah ayaa Caawa ka jirta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ka ldib markii maanta Ururka Ahlu-sunna ui ku dhawaaqay inuu burburay heshiiskii ay horey ula galeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay waddaan Ururka Ahlu-sunna iyo Dowladda Federaalka ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Dhuusamareeb ku sugan Ciidamo dowladda Soomaaliya ay ka qaaday Magaalada Muqdisho.

Kulan deg deg ah  oo ay iskugu  yimaadeen odayaasha dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb, ayaa looga wada hadlay kaalintooda ku aadan xiisadda siyaasadeed ee ka soo dhex cusboonaatay Ahlu-Sunna iyo Dowladda Federaalka.

Guddi ka kooban 11 xubnood ayey iska xuleen odayaashu, waxeyna guddigaas la kulmi doonaan dhinacyada Ahlu-Sunna iyo dowladda, waxaana Arimaha ugu horeeya ee loo xilsaaray guddigaas ay yihiin inay ogaadaan sida uu u dhignaa heshiiskii ay wada gaareen Ahlu-Sunna iyo Dowladda.

Guddiga dhaqanka ka kooban ayaa intaas kaddib la kulmi doona Hoggaamiyayaasha Ahlu-sunna iyo Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb, Iyagoona tixraaci doona cidda uu ka dhaqan gali waayey heshiisku.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.