VIDEO: DFS oo ku eedeysay Ahlu-sunna inay iyadu ka baxday Heshiiskii Dhuusa-mareeb

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.

Wasiir Sabriye ayaa markii u horeysay soo bandhigay heshiiskii ay la galeen Ahlusuna, oo ka kooban 10 qodob, waxaana uu sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad goboleed loo dhan yahay.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in dowladdu ay mar waliba u taagan tahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay