Karaash oo la kulmay Saraakiil ka socda Hay’adda UNICEF (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socda hay’adda UNICEF.

Saraakiishan oo uu hogaaminaayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNICEF Mr. Werner Schultink ayaa waxaa kulanka ay la qaateen ku-simaha Madaxweynaha Puntland looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka ay Hay’addu ka waddo gudaha Puntland, warbixino iyo in mashariicda ay Hay’addu fuliso lagu saleeyo baahiyaha bulsho ee dalka ka jira.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhoweeyey weftigani, waxaana uu ku amaanay mashaariicda wax ku ool ka ah ee ay dalka ka hayaan, Madaxweyne Karaash waxa uu ku bogaadiyey UNICEF shaqooyinka muhiim ka ah ee ay hayaan iyo ka jawaabidda baahiyaha deg degga ah ee ay ka qayb-qaataan.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku booriyey Saraakiisha hay’adda UNICEF inay mashriicda horumarineed ee ay dalka ka hayaan ku saleeyaan baahiyaha bulsho ee jira.