Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo iska wareejiyay loolankii uu kula jiray DFS

Kulan aan loo kala kicin oo tan iyo galabta ka socday magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Inji ayaa hadda soo gaba gaboobay.

Kulanka oo u dhaxeeyay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa looga arinsanayey xaaladda cakiran ee Galmudug.

Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan ayaa tanaasulay, waxuuna arimaha socda ee dhismaha maamulka Galmudug wakiil uga dhigay Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari.