VIDEO: Madaxweyne Xaaf “DFS waxay ka wada Dhuusa-mareeb Siminaar”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ka hadlayay Degmada Hobyo oo uu ka socdo Shirka Wada-tashiga Beesha Habar-gidir, ayaa sheegay in Dowladda Federaalku Soomaaliya aysan ka wadin Magaalada Dhuusamareeb dib u heshiisiin.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku tilmaamay howsha Dhuusamareeb ay Dowladdu ka wado in ay tahay seminar, wuxuuna xusay in loo baahan yahay dhab u heshiisiin in ay ka dhacdo Degaanada Galmudug.