Al-Shabaab oo beenisay inuu katirsan yahay Nin ay soo bandhigtay NISA

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay inuu katirsan yahay Nin Duhrnimadii shalay oo Khamiis aheyd ay Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay soo bandhigtay Sawirkiisa, kaas oo ay sheegtay Hay’addu in uu ka tirsanaa Warbaahinta Ururka Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Hay’adda ayaa lagu sheegay in sarkaakaas lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, hayeeshee Warkaasi waxaa beeniyay Al-Shabaab.

War ay Al-Shabaab ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka, ayaa ay ku sheegeen in Ninka NISA ay soo bandhigtay sawirkiisa uusan ka mid aheyn Warbaahinta Al-Shabaab, isla markaana wax aqoon ah u laheyn.

Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in shaqsiga ay Hay’adda NISA soo bandhigtay uusan waligiis wax xiriir ah la yeelan Al-Shabaab, isla markaana laga been abuurtay sida ay hadalka u dhigeen.