Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Garoowe (Sawirro)

Wafti uu hoggaaminaayo Wasiir ku Xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Yaasiin Darmaan ayaa kormeer shaqo ku tegay Garoonka Diyaaraha Gen Maxamed Abshir ee Garoowe

kormeerkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyay ku Xigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir,Agaasimaha Furdooyonka Siciid Axmed Fagaase, iyo Maamulaha Kastamka Gobolka Nugaal Cabdulqaadir Maxamed Bare.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Garoonka ka daah furay hirgalinta foom ka Cadaynta badeecooyinka si halkaasi looga hirgaliyo.

Wasiir ku xigeenka Dakhliga iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyaddu intii ay halkaasi ku sug naayeen waxa ay kulan laqateen Ganacsatada qaybo ka mid oo ku sugnaa Garoonka .

kormeerkan markii uu soo idlaaday Agaasimaha Furdooyonka Siciid Axmed Fagaase ayaa la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

“ilaahay baa mahad leh kormeerkan waxa uu ku aadanaa ogaashaha shaqada gaar ahaan dhanka Cashuuraha iyo daahfurka Foomka Cadaynta Alaabada si loo ogaado badeecooyinka ay wadaan Diyaaradaha wada alaabada Ganacsi ayuu yri Fagaase”

Agaasimaha Furdooyonka Siciid Axmed Fagaase oo hadal kiisa siiwata ayaa yiri

“Foomkan waxaanu horay uga hirgalinay Dekeda Boosaaso meelo badana waanu ka hirgalinaynaa insha alaah waana mid abuuraaya kalsooni wada shaqayneed oo dhex marta Dawladda Puntland iyo ganacsatada waana Foom caalami ah”