Somaliland oo kahor timid heshiis ay wada gaareen DFS & Midowga Yurub (Akhriso)

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qorseynta  & Horumarinta Somaliland ayaa ka hor timid heshiis ay wada gaareen DFS iyo Midowga Yurub, kaas oo Ku saabsanaa Mushruuca Dhismaha Waddooyinka Muqdisho iyo Berbera, waxaana ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan Somaliland Wakiil uga aheyn taakuleynta Caalamka, isla markaana meel ka mid ah Somaliland aysan maamulin dowladda Federaalka mashruucna ka fulin Karin.

Sidoo kale, War-Saxaafadeedka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba Dowladda Soomaaliya aysan wax mashruuc ka ka fulin doonin deegaannada Soomaaliland,waxaana tallaabada heshiiska DFS & Midowga Yurub lagu sheegay in uu yahay mid ka hor imaanaya heshiiskii DFS iyo Somaliland ee Ankara & Jabuuti.