Uhuru Kenyatta oo ku eedeeyay Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Fashilka kaga soo wajahan Kiiska Dacwada Badda (Akhriso)

Wargayska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay Maqaal dheer uu kaga waramayo khliaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Monica Juma.

Munica Juma ayaa lagu eedeenayaa in ay ku fashilantay arimo badan oo dhanka dimlomaasiyada dalka Kenya ah, taas oo ay ugu wayn tahay fashilka xoogan ee kaga soo food leh Kiiska Muranka Kenya ay galisay badeena iyo kursiga aanan rasmiga ahayn ee Golaha Ammaanka QM, kaas oo ay kula tartamayaan dalka Jabuti..

Sidoo kale, Mrs. Juma ayaa loo haysto inay magacawday xirfadyahano aanan qibrad wanaagsan u lahayn diblomaasiyadda, taas oo keentay in Kenya fashil xoogan kasoo wajaho dhanka diblomaasiyadda.

Wargayska oo soo xiganaya ilo u dhaw madaxtooyada dalkasi ayaa sheegaya in madaxwaynuhu uusan ku farax saneen sida Munica Juma ay u wajahday arinka kiisa badda iyadoona qaab aanan waafaqsaneen diblomaasiyadda ula dhaqantay dalka Soomaaliya.

Maxkamda caalamiga ee cadaalada ayaa khamiistii sheegtay in ay dib u dhigtay dhageesida dacwada badda mudo labo bilood ah halka ay Kenya doonaysay in dib loo dhigo mudo hal sano ah.

Kenya oo ku andacoonayso in ay ceerisay qareenadii u matali lahaa dacwada badda ayaa horay Maxkamda ICJ ugu gudbisay codsi ah in ay lasiiyo mudo 12 bilood ah si ay diyaar garow fiican usoo sameyso balse maxkamada ayaa arintaasi ka diiday.

Mid kamid ah masuuliyiinta Maxkamdda ICJ ayaa sheegay in waqtiga loo asteeyay dhageysiga dacwadda badda laga badlay 9’ka bishan September loona wareejiyay 4’ta bisha November ee isla sanadkan.