Garowe hami dhaboobay’WQ.Jibril Qoobey.

21-sano ka hor ayay haldoorka reer Puntland ee xiligaas talada ehelka u ahaa ukaceen dhisida maamul Umadan unoqda hiigsi Mustaqbal.

Dadaal dheer kadib waxay ku guulaysteen yagleelida maamulkaas oo noqday Puntland-ta lagu baraaray.

Caasimad maamulkaasi yeesho,ayaa ka mid ahaa arimihii lagu lafa guray shirarkii lagu dhisayay Puntland,taasoo dood iyo tartan dheer kadib noqotay Garowe.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ahaa aas-aasihii iyo hogaamiyihii ugu horeeyay ee Puntland-ta lagu liibaanay buugiisa noqday hanti qaran oo ay Umadu leedahay waxuu ku xusay in arimihii dadajinayay dhismaha Puntland ay ugu horeeyeen badbaadinta sii dagnaanshaha Garowe.

”6-bilood kadib hadaan Puntland la dhisin Garowe waxay ahaan lahayd meel laga guuray”ayuu ku yiri Buugiisa Halgan iyo Hagardaamo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo ahaa Nin aan laga daba tagin warkiisa.

Garowe 21-sano kadib waxay u ekaatay magaalo madax lagu faani karo.

Garowe way ku dhowdahay in ay gaarto hamigii ay Umada reer Puntland ku haminayeen,welise meeshii la tiigsanayay ma gaarin.

Hadaba si loo gaaro hamigii ugu danbeeyay ee garowe laga lahaa,waxaa khasab ah in lagu dhaqaaqo fulinta dhawrkan qodob.

1.Garowe waa in diiwaangalin rasmi ah lagu sameeyaa dadka ku nool gudaheeda iyo guryaheeda.

2.Garowe waa in golaheeda Deegaanka ay ku yimaadaan doorasho qof iyo cod ah.

3.Garowe waa in Duqa hogaaminayaa uu ku yimaadaa doorasho qof iyo cod ah.

4.Garowe waa in maamulkeeda iyo hogaaminta laamaheeda amaanka laga dhex arkaa masuuliyiin kasoo kala jeeda guud ahaan bulshaweynta reer Puntland.

Garowe markii ay ka hirgalaan 4-taas qodob ayay noqon kartaa caasimad buuxisay shuruudihii lagana gaaray qorshihii loo Boqrday,isla markaana tartan ugali karta caaasimada mustaqbalka ee Somali weyn-ta la qorshaynayo.

Jibril Qoobey.