Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire oo shaqo joojin lagu sameeyay

Axmed Karaash waxuu goor dhawayd shaqo joojin ku sameeyay Xasan Shire Abgaal Wasiirkii maaliyada ee Puntland.

Shaqa joojinta uu ku sameeyay karaash Wasiir Xasan,ayuu ku saleeyay cabasho xoog leh oo ka timid ganacsatada taasoo ku aadan canshuur kordhin uu ku sameeyay Xasan Shire badeecadaha soo daga iyo kuwa dhoofa intaba.

Karaash iyo Xasan Shire,ayaan isku wanaagsanayn waayahan,waxayna umuuqataa in uu markan khilaafkoodu gaaray meeshii ugu danbaysay.

Dastuurka Puntland,ayaa awood usiinaya Madaxweyne ku xigeenka in uu dalka sii hogaamiyo mudada uu maqan yahay Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni,ayaa xiligan ku jira isbitaal ku yaala dalka Imaaraadka,isagoo ay soo wajahday xaalad caafimaad,inkastoo wararka laga helayo ay sheegayaan in lagu guulaystay qaliinkii lagu sameeyay dalkana dib ugu soo laaban doono maalinka Jimcaha.

Sidaanoo kale waxaa xiligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf shaqo joojin ku sameeyay Wasiirkii Maaliyada ee xiligaas Cabdiraxmaan Faroole Madaxweyne ku xigeenkii markaas Maxamed Cabdi Xaashi.