Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Qarax lagu aasay Bartamaha Buulo-burde (Sawirro)

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degamda Buulo-Burde ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qarax lagu Aasay wado muhiim ah oo ku taalla Bartmaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miino lagu Aasay Xaafada Ceel-Gaabta oo ah suuq lagu Iibiyo Jaadka(qaadka), isla markaana dad ku sugan suuqaas ay kusoo wargeliyeen Miinada la Aasay.

Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Guddoomiye kuxigeenka degmada Buulo-Burde Cismaan Geedi cilmi oo tegay goobta qaraxa laga soo saaray ayaa Shacabka ka codsaday inay la Shaqeeyaan Ciidamada si loo sugo Amniga guud ee degmada Buul-Burde.

Si kastaba tira ka dhowr jeer ah ayaa qaraxyo kala duwan waxaa degmada buulo-Burde iyo duleedkeeda lagula eegtay Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM,qaraxyadaas oo ay ku waxyeeloobaan Ciidamada Dowlada, AMISOM iyo dadka Shacabka ah.