Badhan: Ciidanka amniga Puntland oo xabsiga dhigay Masuul katirsan Somaliland

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka Somaliland ugu magacownaa  Degmada Badhan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmadaas.

Ninka la xiray oo lagu magacaabo C/rixmaan Axmed Muuse (Suus), ayaa lagu qabtay howlgal  Ciidanka Xasilinta Degmada Badhan, ay ka sameeyeen gudaha Magaalada.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Puntland oo ku aadan xariga ninkan, waxaana uu xarigiisu kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Degmada Badhan iyo Degaanada kale ee Gobalka Sanaag, ay ka socdeen Howlgallo lagu adkeynayo amniga oo ay wadaan Ciidan dhowaan kasoo baxay Somaliland, kuna soo biiray Dowladda Puntland,

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.