Mudug: Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Gaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah

Illaa Saddex Ruux ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii Maleeshiyaad hubeyysani ay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay miyiga galbeedka Gobolka Mudug.

Weerarkan oo ahaa mid jid gal ah ayaa waxaa lagu qaaday gaariga xilli uu kusii jeeday Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug, waxaana dadka ku dhintay  mid ka mid aheyd ahayd haweeney.

Dadka deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkasi ay goobta ka baxsadeen, waxana darawalkii gaariga ee ku dhaawacmay weerarkaas la geeyay Isbitaalka Magalada Gaalkacyo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Mudug, kaas oo ku aadan weerarkaas.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil news.