Video+Sawiro:-Madaxweyne Deni oo furay Shir Maal-gashiga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor dhow si rasmi ah u Daahfuray Shirka Maalgashiga Puntland, kaas oo kasoo qeyb-galeen Ganacsato Ajaanib iyo Soomaali ah, Madax iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi oo waa weyn iyo dalalka Caalamka, Hay’addo, Aqoomyahano iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa sheegay in shirkan ay uga gol lee yihiin in Puntland loo soo bandhigo Caalamka, si Mustaqbalka dhow dadka Reer Puntland ay u helaan Fursado ganacsi iyo Shaqo, loogana maarmo kaalmada Caalamku uu mudada siinayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Puntland ay haatan u diyaarsan tahay in la maal-gashto, isagoona sheegay inay jiraan fursado badan oo ka jira Mandiqada Qaniga ah ee ay dhacdo Puntland.

Shirka Maal-gashiga Puntland oo socon doona 15-17, Sep, 2019, ayaa lagu soo bandhigi doonaa Kheyraadka ay hodanka ku tahay Puntland iyo Fursadaha Maal-gashi ee jira, waana shirkii ugu horeeyay ee looga hadlayo Maal-gashi oo ka dhaca Soomaaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka