Karaash oo daah-furay Mashruuca Fayo Dhawrka Deegaanada Galdogob iyo Xarfo (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Mashruuca Biyaha, Nadaafadda iyo Fayo Dhawrka Deegaanada Galdogob iyo Xarfo.

Furitaanka mashruucan ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka socda Hay’adda UNICEF, shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay mashruucani ayaa sheegay in ilaalinta nadaafadda degaanku muhiimad gaaraleedahay, waxa uu xusay in haddii la Fayo dhawro degaanka la nadiifiyey Biyaha lagana shaqeeyey bilicda iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda UNICEF inay mashruucani uga soo dhalaalaan sidii loo qorsheeyey madaama uu waxtar balaadhan u leeyahay dadka iyo duunyadaba.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucani wax badan ka bedelidoono bedqabka caafimaad ee shacabka ku nool degaanada laga hirgelindoono.