Ciidanka AMISOM oo baneeyay Saldhigyo ay ku lahaayeen Gobalka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay gebi ahaan isaga baxeen degmadaasi.

Dadka degmada Jalalaqsi ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen inay ka warheleen Ciidamada Jabuuti oo wata Gaadiidkooda gaashaan, iyaga oo baneynaya saldhigyada ay ku lahaayeen degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Booliska degmada jalalqasi ee Maamulka Hirshabelle Muuse Salaad ayaa sheegay in dhamaan saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay la wareegeen Ciidamada Ammaanka Hir-Shabeelle.

Maamulka Degmada Jalalaqsi qaarkood ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta Ciidamada Jabuuti ay u baneeyeen Saldhigyadoodii degmada Jalalaqsi, hayeeshee Saldhigyadoodii la buuxiyay,waxaana Goobaha ay baneeyeen ka mid ah Buuntada kala qeybisa degmada iyo Saldhigyo kale.

Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu waa weyn ee Gobolka Hiiraan, waxaana horay ugu wada dagaalamay Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo Ururka Al-Shabaab.