CC Warsame “Ku Tumashada Dastuurku waa dambi Qaran”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay Xayiraadii shalay Garoonka Muqdisho loogu geystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

War uu saaray ayuu ku sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in maanta Xoriyada laga qaado Shariif oo dalka halgan dheer u soo galay in Al-Shabaab laga saaro.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay ku tumashada dastuurka dalka u yaalla, waxaana uu sheegay in Madaxda maanta kaligood aysan la aheyn dalka oo loo baahan yahay in la ilaaliyo dastuurka.

Hoos ka Akhriso Warka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame:

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado.

Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay.

Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii waddada ay ku socdaan waa mid horay ka xiran.

Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay l kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaan leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca.