VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo kulamo ka wada Magaalada New York ?

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magalada New York ee dalka Mareykanka  ayaa shir waxaa uu la yeeshay madaxda Caalamka ee ka qeyb galaya shirka sanadlaha ee golaha guud ee qaramada midoobe.

Madaxda uu Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar.

Waxaa ayna ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la Warbixin ku saabsan dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya la wadaagay Madaxweynaha Bankiga horumarinta Afrika

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa uu ka hadlay kulamo uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Madaxda caalamka, isagoona sheegay in 26 bishan uu shirka ka furmi doono dalka Mareykanka, waxaana ka qeyb galaya madaxda kala duwan.