VIDEO: Hay’adda UNDP oo gaadiid ku wareejisay Baarlamaanka Puntland

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP Ayaa Afar gaari maanta ku wareejisay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Axmed Maxamed “Dhooba-daareed”, oo la wareegay gaadiidkan ayaa u mahad-celiyay Hay’adda UNDP, isagoona sheegay in gaadiidkan ay u adeegsan doonan Shaqooyinka Baarlamaanka Dowladda Puntland.