Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno kamid ah Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lagu dilay 10 ka mid ah Al-shabaab kaddib weerarkii shalay ka dhacay Balli Doogle.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar jawaab u ahaa kii ay Al-shabaab gelinkii hore ee shalay ku qaadeen Balli Doogle uu ka dhacay agagaarka Garoonka islamarkaana lagu dilay toban ka mid ah Al-shabaab.

Weerarkaas oo ahaa laba weerar oo duqeyn dhinaca cirka ah ayey AFRICOM sheegtay in sidoo kale ku burburisay Gaari ay wateen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Gen. William Gayler, oo ah agaasimaha howlgallada ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarkii Balli doogle ku fashilmeen AL-shabaab jab weyna uu ka soo gaaray.
Dhinaca kale AL-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 121 ka mid ah Ciidamada Mareykanka, 40 qof oo sida ay sheegeen isgu jiro shaqaale caddaan ah, iyo Yuhuud.

Weerarkii shalay ayaa loo arkaa isku daygii ugu horreeyay ee ay Al-shabaab ku beegsadaan Taliska ugu weyn Mareykanka ee gudaha Soomaaliya halkaas oo ah barta ay ka haadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqeynta ka dhanka ah AL-shabaab ka fuliya Gobollada dalka Soomaaliya.