Shirka SPF oo si maqaam hoose ah uga furmay Muqdisho (Sawirro)

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) ayaa goor dhow ka furmay halka loo yaqaano Hangarka Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furay, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyaan Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.

Shirkan ayaa heerkii la filayay aanan uga muuqan madasha, maadaama aysan shirka ka soo qeyb galin Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay Shirkan.