Wasiir Abgaal “Xukuumadda MD Deni waxaa ka go’an tayaynta Ciidanka” (VIDEO)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Waftiga Wasiirka Maaliyadda waxaa Magaalada qardho ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar oo uu hurmuud u ahaa Xisaabiyaha Gobolka Yaasin Cabdi Ciise Boos.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadd intii uu ku sugnaa qardho waxa uu booqasho ku tegey Xerada Ciidamada Xorgoble halkaasi oo ay ku jiraan Ciidamo dhowaan tababar uga furmi doono.

Gen Yaasin Cumar Dheere Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dawladda puntland ayaa madaxda dawlada la wadaagay xog ku aadan Ciidamada tababarka loo qaban doono.

Wasiir Maaliyadda oo la hadlay Ciidamada ayaa sheegay Xukumada uu hoggaamiyo Madaxwayne Dr siciid Cabdulaahi Deni in ay ku taamayso taabo galinta Ciidamo tayo leh oo hela daryeel dhan kasta ah.

Ugu dambayn Wasiirka Maaliyadda iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa gaaray magaalada boosaaso ee xarunta Gobolka bari.