Wararkii ugu dambeeyay ee Wafuud balaaran oo ku qul-quleysa Magaalada Kismaayo.

Wufuud kala duwan oo doonaya inay ka qeyb-galaan Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wufuudan aya a la filayaa inay ka kala tagaan Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Nairobi, waxana ku jira Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa hataan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee manta tegaya,, iyada oo amniga Guud ee Magalada Kismaayo aad loo adkeeyay,isla markaana lagu arkayo Ciidamada Jubbaland oo amaanka xaqiijinaya.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/Kariin xuseen Guuleed iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo, kuwaas oo diyaarad khaas ah ay ka keentay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey cunaqabateyn u saartay Kismaayo, kana hor istaagtay Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd Sheekh Sharif, ayaan illaa iyo hadda ka hadlin diyaarada katimid Nairobi ee siyaasiyiinta ka dejisay Magalada Kismaayo.