VIDEO: C/raxmaan C/shakuur “Taariikhda ma dhicin Marxaladihii KMG kaddib Gobol Soomaaliyeed oo la cunaqabateeyay”

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in marxaladihii KMG ee uu dalka soo maray iyo kaddib dagaaladii sokeeye aanay taariikhda dhicin Gobol Soomaaliyeed oo la cunaqabateeyay.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay Munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in dulqaadka siyaasiyiinta ay u aragtay daciifnimo, isla markaana ay burburineyso wixii la isku keenay.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in aanay ku dhaqmeyn dastuurka, isla markaana ay cunaqabateeyeen gobol Soomaaliyeed.

“Gobol Soomaaliyeed oo cunaqabateyn la saaro wax taariikhda ka dhacday Soomaaliya ma ahan, dagaalkii sokeeye wax ka xun ayaa dhacay, laakiin sidii dowladdan cusub u timid iyo marxalado KMG loo galay gobol dhan oo la cunaqabateeyo ma dhicin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa tilmaamay in Jubbaland markii la dhisayay ay is qabteen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, balse marna ma dhicin in diyaarado la joojiyo ama la cunaqabateeyo.

“Jubbaland markii la dhisayay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe waa is qabteen, waa la doodayay, waana laisku socday Xamar iyo Kismaayo ayaa la tagayay, halaga joojiyo diyaaradaha lama dhihin, maxay tahay fuleynimadan, maa doodid, oo garta dhigatid”ayuu si kulul u yiri C/raxmaan C/shakuur.

Ugu dambeyn C/raxmaan C/shakuur ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka inay dalka gaarsiiso doorasho xor ah oo dalka ka dhacdo, isla markaana lagu kala baxo, isagoo xusay in sanadihii u dambeeyay waxa Soomaali u hirgalay ay aheyd doorashooyin la qabto, balse waxaa uu ka digay inay dhici weydo ama la sameysto muddo kororsi.