Senator Muuse Suudi “Farmaajo Madax iyo Calool baa u haray” (Khudbad)

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo khudbad ka jeedinayay Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa si kulul u dhaliilay Hab-dhaqanka Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoona sheegay inaan wixii hada ka dambeeya looga fadhin Wada-hadal iyo Heshiis.

Senator Muuse Suudi ayaa isaga oo ka hadlaya fashilka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo yiri “Farmaajo lugihii uu ku taagnaa mid Puntland baa ka goysay tii kalana Jubbaland. Gacantii midigna Galmudug baa ku dhegan. Gacan bidix oon wax lagu cuni karin iyo madax iyo calool baa u haray”.