Faallo:-Yaa ka danbeeya qorshaha cusub ee khal-khal galinta Puntland?

Hadalka 4-ta Xildhibaan ee kasoo kala jeeda Nugaal iyo Sanaag labo Mid ka mid ah ay yihiin Ciise Maxamuud midna Madhibaan midna Warsangeli waa dhaqdhaqaaqyada lacagtii 2-Milyan oo dolar ahayd ee lasoo galiyay Puntland maalmo ka hor.

Nabad iyo Nolol oo ku jira maalmahoodiii gabagabada,ayaa dhaqaalahaas usoo daabulay Puntland.

Ujeedka Nabad iyo Nolol,ayaa ah in shacabka si khaldan looga faa”idaysto oo laga horkeeno Xukuumada Puntland.

Qorshahan,waxaa fulinaya Xildhibaanada Puntland ku matala Fadaraalka qaar ka mid ah oo kala ah..

Gobolka Nuugaal,waxaa qorshahan uxilsaaran fulintiisa Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh,isagoo fursad wax kicineed ka dhex raadinaya carada Islaan Ciise ee cayrinta Gudoomiyihii Bangiga Xirsi Cadeysay iyo xiriirka hoose ehelnimo ee Cawad iyo Islaanka.

Gobolka Bari waxaa qorshahan u idman fulintiisa Senatar Mashruuc oo ay tahay in uu dhex yaaco dareenka beelaha Bari ee isku arka in la dulminayo.

Mashruuc sidoo kale waa wakiilka ina Saalax Deer-ka leh saamiga ugu badan shirka PDG ee laga tuuray qandaraaskii u adeegida Ciidanka Badda Puntland oo taageero ka hela Imaaraadka.

Sida aan xogta ku helay waxaa qandaraaskaas lasiiyay shirkad uu leeyahay Liibaan Muuse Boqor,iyadoo saami ay ku yeelan doonaan Rag ka agdhow Madaxtooyada.

Gobolka Mudug waxaan xog ku helay fulinta qorshaha khalkhalgalinta in loo xilsaaray dad caadiya oo ka kooban qaybaha Bulshada,ka gadaal markii ay diideen Xildhibaanada kaso jeeda ee ku jira Labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka.

Isku soo wada duuboo qorshaha Nabar iyo Naxdin,ayaa ah in Madaxweyne Deni lagu khasbo in uu wada xaajood galo oo dabac ka muujiyo go”aamadiisa masiiriga ah ee ad-adag.